Nin La Magaca Madax-weynahii Hore Maraykanka oo musharaxnimo Ku Dhawaaqay

0
Saturday June 20, 2015 - 10:12:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin La Magaca Madax-weynahii Hore Maraykanka oo musharaxnimo Ku Dhawaaqay

    Jeb Bush ayaa ka mid noqdey Musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeb Bush ayaa ka mid noqdey Musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Maraykanka.
Jeb Bush waxaa dhalay Madaxweynihii 41aad ee dalka Maraykanka waxaana uu la dhashey Madaxweynihii 43aad ee Maraykanka, magaca Bush ayaa Maraykanka ka soo talinaayey muddo 12 sano ah.

Jeb Bush ayaa ololihiisa musharaxnimo ka bilaabey magaalada Miami ee gobolka Florida shalay, halkaasi oo uu badhasaab ka ahaa 1999 ilaa 2007-dii

Musharaxan cusub ayaa si weyn u dhaliiley siyaasadda ka jirta Maraykanka ee hadda, waxaanu ballanqaaday in uu khibradiisa maamul u adeegsan doono sidii uu Mareykanka uga dhigi lahaa awood dhaqaale oo aad u xooggan.


Jeb Bush ayaa u muuqda in uu ol-olihiisa ka fogeeyey aabihii Bush iyo walaalkii Goerge W. Bush oo talada uga horeeyay Madaxweyne Obama, waxaana uu istiikarada ololihiisa ku qoran Jeb 2016. Sidoo kalena aabhihii iyo walaalkii midna kuma soo qaadan khudbadiisa, waxaana uu si weyn ugu soo qaatey hooyadii Barbara Bush.

Gobolka uu ka ahaan jirey badhasaabka isla markaana uu kaga dhawaaqey Musharaxnimadiisa ayaa ah gobollada loo yaqaan Swing States ee kala saara Musharxiinta Madaxweynaha, si kale haddii loo dhigo waa halkii soo saartey walaalkii George W. Bush sanadkii 2000.

Labadii Bush ee hore ayaa caalamka geliyey dhibaato badan, aabihii waxa uu ku dhawaaqey New World Order, waxaana uu ku guuleystey in sldhigyo waaweyn Maraykanka uga sameeyo dalalka Khaliijka Carabta halkaas oo ayna joogitaan ku lahayn markii hore, ka dib dagaalkii Khaliijka ka dhacay sanadkii 1990 -1991, Walaalkii ayaa raacey wadadii Aabihii, islamarkaana hawl badan dunida u soo jiidey, dadka Maraykankuna ka qoomameeyeen.

Jeb Bush waxa uu ka mid noqonayaa 10 Musharax oo horey ugu dhawaaqey in ay u tartamayaan Aqalka Cad, waxaana dhamaantood sugeysa Musharaxa keliga u muuqda ee Dimoqraadiga Hillary Clinton.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip